Goobjoog

Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in aan Dhulkeeda iyo Hawadeeda loo Adeegsan Karin Hurinta Colaadaha Yemen iyo Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan oggolaan doonin in dhulkeeda, dekedaheeda iyo hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha ka socda Yemen, Suudaan ama dal kale, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in aan Dhulkeeda iyo Hawadeeda loo Adeegsan Karin Hurinta Colaadaha Yemen iyo Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan oggolaan doonin in dhulkeeda, dekedaheeda iyo hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha ka socda Yemen, Suudaan ama dal kale,  xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in mowqifka dowladda Muqdisho uu ku saleysan yahay ilaalinta madaxbannaanida dalka, midnimada dhuleed, hay’adaha dowladda iyo amniga qaranka.

Qoraal uu ku baahiyay barta X ee baraha bulshada ayuu ku adkeeyay in xiriirka dowladaha lagu saleeyo is-ixtiraam, sinnaanta madaxbannaanida iyo in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Waxa uu sidoo kale sheegay in walaacyada Soomaaliya ay u baahan yihiin in looga jawaabo wada-hadallo dhab ah oo dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo sharciga ah, halkii lagu tilmaami lahaa khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ay cambaareysay go’aanka dowladda Soomaaliya ee dalka looga saaray safiirkii Imaaraadka u fadhiyay Muqdisho, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid sii hurinaysa xiisadda isla markaana dhaawacaysa xiriirka labada dal.

Imaaraadka ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay waxa uu ku tilmaamay isku dayga dowladda Soomaaliya ee khilaafaadka gudaha dalka loogu soo dhex gelinayo xiriirka labada dowladood, isagoo sheegay in arrintaasi ay waxyeello u geysan karto danaha labada shacab.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii amartay in safiirka Imaaraadka Carabta uu dalka ka baxo, halka iyaduna ay dib ugu yeeratay safiirkeedii ka howlgalayay magaalada Abu Dhabi, waxaana tallaabadaas diblomaasiyadeed ay daba socataa eedeymo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horraantii toddobaadkan u jeediyay Imaaraadka, kuwaas oo la xiriiray dhismaha saldhigyo milatari iyo joogitaanka ciidamo ka howlgala qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyaga oo aan ku jirin nidaamka amniga qaranka ee dowladda Federaalka.

Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysatay kaddib markii dowladda Soomaaliya horraantii sannadkan ku dhawaaqday inay burisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, isla markaana ay hawadeeda ka xirtay diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments