Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska ee degmada Xamarweyne ayaa nin lagu eedeeyay inuu ku luglahaa falal amniga lid ku ah, sida ay sheegtay war qoraal ah oo ka soo baxay qeybta guud ee Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo ku eedeysan inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka, Boolisku faahfaahin dhameystiran kama bixin falalka uu ku howlanaa.
Booliska oo sheegay inay eedeysahan maxkamad awood u leh gal dacwadeedkiisa horgeyn doonto, ayaa bulshada ugu baaqay inay la soo wadaagaan xogaha dadka ay uga shakisanyihiin maleegidda falalka amniga lidka ku ah.




From the comments