Goobjoog

Magaalooyinka kamid ah Soomaaliya oo maanta laga soomanyahay

Xilli maanta dalalka Islaamka intooda badan ay u tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga ayaa magaalooyin iyo deegaanno kamid ay Soomaaliya laga soomanyahay, ayadoo dadka ku nool qaarkood ay sheegeen…

Magaalooyinka kamid ah Soomaaliya oo maanta laga soomanyahay

Xilli maanta dalalka Islaamka intooda badan ay u tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga ayaa magaalooyin iyo deegaanno kamid ay Soomaaliya laga soomanyahay, ayadoo dadka ku nool qaarkood ay sheegeen inaysan bishii arkin, sidaas awgeedna ay 30-ka Ramadaan dhammeystirayaan.

Magaalooyinkaas waxaa kamid ah Caabudwaaq, Guriceel, Gaalkacyo,magaalada Garoowe dadka ku nool qarkood, iyo meelo kale, sida ay inoo sheegeen xog-ogaal u waramay goobjoog.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah laysugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka iyo Soon-furka, iyo xittaa ciidda Carafo, ayadoo dadka gobollada ku nool qaarkood ay maalinta labaad ciidaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments