Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (Africom)
Shaaciyay khaasaraha ka dhashay duqeymo ka dhan ah Daacish oo gobolka Bari, gaar ahaan meel qiyaastii 50 mayl u jirta magaalada Boosaaso.
Afrikom oo xustay in duqeyntan ay iskaashadaan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 14 ka tirsan Daacish-Soomaaliya lagu dilay weerarkaas, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah Ahmed Maeleninine, oo askaraynta , maalgelinta u qaabilsanaa kooxda Daacish, iyo sidoo kalena ahaa hogaamiyihii howlgallada dibadda ee ISIS, sida lagu sheegey warka uu soo saaray taliska Mareykanka ee Afrika.




From the comments