Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Masar ay dalka muddo saddex bilood ah gudahood, ayagoo qeyb ka noqanaya howlgalka AUSSOM.
Dhanka kale wasiirku in hadda uu socdo wada-hadal farsamo oo looga wada-xaajoonayo goobihii la kala dejin lahaa ciidamada ka kala imaanaya dalalka Masar iyo Itoobiya, si ay uga wada qayb-galaan howlgalka AUSSOM.
“Ciidamada Masar iyo Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM, waxaa socda wada-hadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonaan,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.




From the comments