Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’iil ka geysteen Gaza.
Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato.
Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarnaayeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm.




From the comments