Todobaadkii la soo dhaafay dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta dhul ballaran oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kuwaas oo ay kamid tahay magaalaada istiraatijiga ah ee Xalab, waxayna u sii gudbeen dhanka koonfureed ee dhanka Xama.
Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dib u soo xoojisay dagaallada dalkaasi suuriya ka socda tan iyo sanadkii 2011, kuwaas oo muddooyinkii dambe u muuqday inay gaabis noqdeen, islamarkaana xooagagga Madaxweyne Bishaar Al-asad oo Ruushka iyo Iran gacan saar la leh.
Dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo ka kooban dhowr jamhadood oo u midoobay inay xukunka dhaafiyaan hoggaamiyahan tan iyo sanadkii 2000-dii xukumayay Suuriya ayaa qabsaday saldhigyo ciidan oo muhiim ah iyo garoomo militari.




From the comments