Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni.
Ciidankaan ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Axmed Madoobe oo dhawaan dowladda Soomaaliya Waaran soo qabasho ah ay u jartay ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah deegaanada maamulka Jubbaland.




From the comments