Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa magacaabay Thomas Homan oo horey u ahaa ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka, inuu noqdo Agaasimaha Arrimaha Xuduudaha Mareykanka.
Homan, oo ah 62 jir, ayaa la filayaa inuu hirgeliyo ballanqaadka Trump ee ah masaafurinta malaayiin muhaajiriin aan sharciga haysan.
Sidoo kale, Stephen Miller oo loo arko maskaxda ka dambeysa siyaasadda socdaalka Trump ayaa loo magacaabi doonaa ku-xigeenka Madaxtooyada Aqalka Cad.




From the comments