Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan ka dhacday dalka Mozambique sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.
Booliska dalka Mozambique ayaa lagu eedeeyay inay dadkaas dileen,sidoo kale waxat xoguhu tilmaamayaan in 150 qof lagu dhaawacay intii ay shaqaaqooyinku dhacayeen.
Bannaanbaxyo ayaa ruxay dalkan ku yaalla Koonfurta Afrika tan iyo markii Daniel Chapo, oo ahaa musharraxa xisbiga talada haya ee Frelimo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay natiijada doorashadii dhacday 9-kii bishan.




From the comments