Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay inay ka walaacsantahay qaxooti u dhashay dalka Turkiga oo Kenya ku nool, kuwaas oo dalkooda qasab loogu celinayo.
Sidoo kale kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dhowr qof oo u dhashay Turkiga lagu afduubay gudaha kenya si loogu celiyo dalkooda, taas oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.
Afarta qof oo lagu kala magacaabo Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci ayaa jimcadii la soo dhaafay dib loogu celiyay Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.




From the comments