Ugu yaraan 77 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Mali ee Bamako, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay ilo xog ogoal ah oo ku sugan gudaha dalkaas.
Ku dhawaad 200 oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore , waxaana uu sababay in isbitaallada ay buux dhaafiyaan bukaanno dhaawac ah, sida uu wakaaladda wararka u sheegay diblomaasi codsaday inaan magaciisa la sheegin.
si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa soo sheegay in rasaas iyo qaraxyo ay dhaceen, waxaa kale oo jiray qiiq ka dhashay dab qabsaday dhismayaashii meesha ka dhowaa.




From the comments