Ku dhowaad 10 bilood ayaa laga joogaa xilligii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd muddo ku 31 siman sano, taas oo ahayd mid kamida guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray dib u dhiska dowlidnimada dalka.
Qaadista cuna-qabatayntu waxay ahayd tillaabo ay dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu farxeen, islamarkaana loo arkayay mid xoojinaysa ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka oo muddo dheer u nuglaa fara-gelinta shisheeyaha, soohdimihiisuna ay iska furnaayeen oo ciddii doontaahina ay iska soo geli jirtay.
Guushaas taariikhiga ah ka dib
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cuna-qabatayntu ay horseedi doonto in ciidanku xoogga dalku ay heli doonaan hub culus iyo saanad casri ah oo ay cadowga gudaha iyo midka dibedda ku waji karaan .




From the comments