Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas iyo dagaal ka socda Xabsiga dhexe ee Xamar ee ku yaalla Muqdisho.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga oo helay hub ay gudaha ka bilaabeen rasaas iyo Bambaanooyin sidaasna uu ku bilowday iska hor imaadka.
Wali rasaas goos goos ah ayaa gudaha xabsiga dhexe ka socota, wararkuna waxaa ay sheegayaan inuu khasaare kala duwan ka dhashay weerarka ka socda xabsiga dhexe.




From the comments