Colaaddii ka jirtay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa u muuqata mid lasoo afjaray kadib markii ay amnigu la wareegeen ciidamada dowlad goboleedka Gamudug.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyada oo deegaanka Xananbuure ay muddo isku horfadhiyeen maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamaree.
Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa hadda si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka, iyaga oo ay saareen saraakiisha ciidamadu awaamir amniga lagu adkeynayo oo ku socota maleeshiyaadka iyo bulshada halkaasi ku nool, waxaana ka mid ah in la mamnuucay hubka aan lagu kudhex qaadan karin cid aanan ciidamada rasmiga ah.




From the comments