Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa waxa ay sheegtay in ay maxbuus ahaan u qabatay shalay Nimrod Aloni oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Israel, kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta Israel.
Sawirka taliyaha oo garbaha la hayo lagana xayuubiyay dharkii darjo ee ciidanka ayaa la soo bandhigay kaas oo u muuqda in uu muujinayo in ay haystaan Falastiiniyiin, balse Israel ayaa sheegashada Xamaas ku sheegtay mid aan la xaqiijin karin, balse Mossad kama hadlin.
Waxa uu dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil, isaga oo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah.




From the comments