Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu jiro hoos u dhac ku yimid iibka Soomaaliya la geeyo , kadib markii ay dowladda Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba gudaha dalka, taas oo hoos u dhigtay Meeruuga.
Mid kamida ganacsatada qaadka oo la hadlay warbaahinta Nation ayaa sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka, gudaha Soomaaliya ay geyn jiyeen, kaas oo dib loo fasaxay, kadib markii heshiis isafgarad ah uu dhexmaray labada dowladood.
“Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. ” ayuu yiri Mr Muniuri.




From the comments