Wasiirka Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa soo saaray amarro ku sicda Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka sidii loogu tala galay in dib looga soo celiyey lacagihii ay ku qaateen fulinta adeegyadaan.
Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka ee loo sameynayay muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka sida uu ka sheegay sirkiisa Ja’raaid.




From the comments