Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi, wafdigaan ayaa tegaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Gobolka Gedo oo uu ka jiray khilaaf dhanka maamulka ah Degmada Luuq ayaa aheyd degmadii ugu horreeysay ee Maas’uuliiinta Maamulkeeda ay taageereen kuna biireen Maamulka Jubbaland, waxaana magaalada ka socota qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha ku-xigeenka.
Wafdigaan ayaa waxaa uu hordhac u yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Luuq, waxaana safarkaan uu kusoo aadayaa xilli deegaannada laga dareemayo dhaqdhqaaqyo ciidan oo ay wadaan DANAB iyo Daraawiishta.




From the comments