Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka Xoogga Dalka Soomalaiyeed, kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka dagaalka gobollada.
Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ,isagoo u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu lamid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday,inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.
“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran,suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso,gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay ciidanka.




From the comments