Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab aan loo cudur daari Karin loona baahan yahay in si isku mid ah loola dagaallamo oo ay shacabka ku dhiiraddan sidii looga xoreyn lahaa dalka, waxaana uu ugu baaqay in shacabku ay la yimaadan isku tiirsanaan iyo walaaltinimo.
“Waxaan kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa,waxa uunna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha “ayuu yiri.




From the comments