Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin toddoba ad ah, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
Heshiiskaan ayaa la saxiixay goor dambe oo sabti ah,waxaana lagu wadaa in 24 ka saac ee soo socda ay dhaqangasho xabad-joojinta,sida lagu sheegay war ka soo baxay Washington iyo Riyaad.
Tallaabadaan, waxaa dhaqangalintiisa kormeeri doona Mareykanka , Sacuudiga iyo dalal caalami ah sida kagu xusay bayaan kooban oo aan faahfaahin laga bixin.




From the comments