Goobjoog

Wasiirka Cadaaladda oo Daah Furay Imtixaanka Nootaayooyinka

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya , mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo…

Wasiirka Cadaaladda oo Daah Furay Imtixaanka Nootaayooyinka
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya , mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.
Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.
Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen, kaas oo ay kusoo gudbeen imtixaankii la galay.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments