Dowaldda Federalka Soomaaliya ayaa markale dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo kasoo barakacay dagaalka ka socda dalka Sudan, muwaadiniintaan oo tiro ahaan gaaraya 93, ayaa waxaa laga soo kala qaaday magaalooyinka Addis Ababa iyo Juba ee South Sudan iyo Itoobiya oo ay gaareen, kadib markii ay ka barakaceen dagaalka, muwaadiniintaan ayaa u badan Arday iyo kuwa deegaan ku ahaa magaalada Khartoum.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa xalay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.
“Waxaan caawa magaalada Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka soo qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba, 34 ka mid ah muwaadiniinta caawa Muqdishu ka soo degay ayaa ku wajahan gobollada dalka qaarkood, anagoo sii wadi doona caawintooda inta ay ku biirayaan qoysaskooda” ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.




From the comments