Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodusho ayaa maanta shir gudoomiyayay shirka todobaadlaha ah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), waxaana lagu lafa guray wada shaqeynta HSJ iyo Hey’addaha kale iyo sidoo kale dhaqangelinta shuruucda cusub ee dhawaan Madaxweynuhu saxiixay iyo ilaalinta habraacyada shaqo ee Hey’adda dhexdeeda ah.
Wasiirka, oo xusay in dhawaan la meelmariyay Sharciyada Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sharciga Socdaalka, ayaa timaamay muhiimadda ay leeyihiin in si rasmi ah loo dhaqangeliyo Shuruucda la meelmariyay iyo Sidoo kale in la soo saaro xeerarkii lagu dhaqi lahaa shuruucdaas.
“Hay’addu waxay yeelatay shuruuc cusub oo la jaanqaadeysa sharciyada kale ay leeyihiin hey’adaha kale ee dhigeeda ah” sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga Md Doodisho.




From the comments