Goobjoog

Mashruuca Ku Dhiso Dalkaaga Hal Dollar oo Muqdisho Looga Dhawaaqay 7 Sano Kadib

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib si rasmi ah u daahfuray dib usoo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR) kaas…

Mashruuca Ku Dhiso Dalkaaga Hal Dollar oo Muqdisho Looga Dhawaaqay 7 Sano Kadib
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib si rasmi ah u daahfuray dib usoo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR) kaas oo ahaa mid horey u hirgalay guddoomiyaha gobolka.
Mashruucaan ayaa muddadii uu socday waxaa lagu dhisay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo muhiim u ahaa isku socdka degmooyinka caasimadda, waxaana mashruucaan daahfurkiisa qeyb ka haa madax ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya oo lagu casuumay.
Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayyaha guud ee Maamulka Gobolka Aggaasimayaal, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Ganacsato, Culuma-udiin iyo hogaanka ururada bulshadarayidka, ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hore u sheegay in mashruucaan looga golleeyahay in lagu hormariyo bilicda caasimadda, waxaana durba dowladda hoose bilowday ka shaqeynta Naleynta.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments