Midowga Afrika ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in adduun lacag dhan $200 milyan magdhow ahaan u siiyey qoysaska askarta ka tirsan howlgalka ATMIS ee ku dhintey ama ku dhaawacmay gudaha Soomaaliya, kaas oo ay qeyb ka yihiin ciidamo kale duwan oo ka kala yimid dalal ka ku yaalla qaaradda Afrika.
Sidda laga soo xigtey The East African, $174 milyan oo kamid ah lacagtaas ayaa loo qoondeeyay qoysaska laga ay ku dhinteen caruurtooda Soomalaiya, intii uu socday howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, halka inta kale ee soo hartey oo ah $15 milyan la siinayo qoysaska askarta dhaawacntey dagaalladii dhacay.
Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socda Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu talagalay bixinta.




From the comments