Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Baydhabo, waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Makuude oo qiyaastii 7-km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa waxaa ay sheegeen in la dilay 14 dagaalame oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku dayay in ay weerar kusoo qaadaan fariimaha ciidanka ay ku leeyihiin deegaankaasi.




From the comments