Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’een Roobab lixaad leh ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qeybaha kale duwan ee nolosha bulshada degada, iyadoo ay isugu darsameen Fatahaad ka dhalatay Roobabka iyo sidoo kale Wabiga Jubba oo karkaarada jabsaday oo ku fatahay inta badan magaalada.
Roobabka ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo burbur xooggan oo hantiyeed waxaana ku xirmay gebi ahanaba suuqii weeynaa ee degmada kadib marki daadadku ay kusoo rogmadeen gudaha suuqaas, oo ay taalay Hanti ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray suuqa Baardheere.
Ganacsatada Baardheera ayaa sheegaya in boqolkiiba sagaashan khasaaraha daadadku ay sababeen uu geystay saameen ganacsatada ku noolaa degmada, waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare dhimasho gaaray ilaa 20 ruux, waxaana sidoo kale ku barakacay boqolaal qoys oo degnaa xaafadaha qaar ee degmada Baardheere ee Gobolka.




From the comments