Taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ee xoogga dlka Soomaaliyeed Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo bayaan soo saaray ayaa beeniyay jiritaan in askar ka tirsan Kumaandooska qeyb ka yihiin dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo xoogagga SSC.
War qoraal ah uu taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Danab iney qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood, isagoo xusay in Maxamed Sulaymaan oo ku dhintay Laascaano kasoo mid noday ciidanka Danab.
Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan inuu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.




From the comments