Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta marti gelisay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa,kaas oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, dagaalka ayaa yimid kamid markii ciidamada Milatariga ay laba jiho ka weereen magalaada sida ay sheegeen dadka ku nool ayaa waxaa uu ku faafay qeybo badan oo magaalada ah.
Ciidamada deegaanka ayaa sheegay in ay la wareegeen xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan Somaliland uu watay nin lagu magacaabo Korneyl Mahad Cabaashe, kuwaas oo deganaa xerada Guulwade oo ku taalla duleedka magaalada waxaana laga arkayay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ciidanka deegaanka oo ku sugan xerada saanadna lagu qabsaday.
Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaasi ilaa iyo hadda.




From the comments