Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa maanta ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegay in la weeraray lagu qaaday guri uu deganaa sarkaal ka tirsana ciidamada xoogga dalka.
Sidoo kale guriga ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku sugnaayeen oo lagu dabiibayay dhaawaca askar ka tirsan Macawisleyfa kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaallada ka dhacaya gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-shabaab oo ay iyagu ku jiraan.
Dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in dagaalka ka dib ay gudaha u galeen, iyaga oo tiradooda lagu sheegay afar ruux, waxaana dhacaya rasaas u dhaxeysa dableyda weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo halkaas gaaray.




From the comments