Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-madaxeedka midowga Afrika ayaa sidoo kale waxaa uu kulama dooceedyo la yeeshay madax kale duwan oo kasoo qeybgashay shirka, kuwaas oo ka kala socda wadama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Afrika.
Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo martigelinaya shirka Abay Ahmed Ali ayaa looga hadlay kulankooda arrimo dhowr ah oo quseeya dahana labada dal iyo xiriirka iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii dowladda Itoobiya Soomaaliya kaga taageeri laheyd dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan kula qaatay itoobiya madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xoojinta dagaalka lagula jiro Agigixisada caalamaiga ah iyo midda gobolka, isaga oo ka dalbaday in wadajir dagaalkeeda loogu midoobo.




From the comments