Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhxe oo fariisinka Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Howlgalka ay ciidanka deegaanku kula wareegeen goobtaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo ciidaanka Kumaandooska ee Danab, deegaankaan ayaa ah muhiim u ah isku socodka galbeedka gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellaha dhxe.
Ciidanka dowladda dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.




From the comments