Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, deegaankaan ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah waxaan ka talinayay Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka.
Deegaanka ayaa ciidanku waxaa ay gudaha u galeen maanta galinkii hore kadib markii deegaan u jira dhowr km ay kula dagaalameen Al-shabaab laba jeer, waxaana xusid mudan in deegaanka Ceelgorof oo hoosyimaado Wabxo ay ka dhaceen duqeymo diyaadeed oo lala eegtahay Al-shabaab.
Wabxo ayaa waxaa ay 40 km u jirtaa magaalada Ceelbuur oo ah fariinsinka ugu weyn oo ay Al-shabaab ku leeyihiin qeybo kamida gobolka Galgaduud, ciidanka qabsaday Wabxo ayaa kasoo dhaqaaqay degmada Maxaas oo ah saldhigga ay kaga duulayaan gobolka Galgaduud deegaannadiisa.




From the comments