Waxaa xaalad deganaan ah laga dareemayaa deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo maanta ay ku dagaalameen Al-shaabaab iyo ciidanka dowaladda oo taageero ka helayo kuwa deegaanka, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.
Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Goobjoog News kadib markii uu soo idlaaday dagaalka, ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka ay ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Ciidamo aad u badan dhowaan laga qaaday Muqdisho ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanka Qaayib, iyagoo ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb, waxaa ay ka qeyb ka qaadan doonaan deegaanka Xiindheere iyo sidoo kale degmada Ceelbuur.




From the comments