Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerar maanta lagu qaaday Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, kaas oo dabley hubaysan ay gudaha u galeen, kadib markii lagu qaaday weeraray qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Qaraxaha ka dhacay hotelka ayaa waxaa lasoo wariyaa inuu geystay khasaare badan, kaas oo isugu jira dhimasho iyo sidoo kale dhaawacyo, saraakiisha laamaha amniga waxaa ay sheegeen in la toogtay kooxdii gudaha u gashay Hotelka oo sedex qof ahaa, sida ay sheegayaan wararka laga heayo laamaha amniga.
Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland S/ gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa ka dhacay hotelka ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 47 kale, waxaana uu u xusay in dadka ay wax soo gaareen ay ku jiraan Arday dugsi Qur’aan.




From the comments