Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in siyaabo kale duwan sedex qarax ay uga dhaceen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde, waxaana ay geysteen khasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac, iyadoo warar laga helayo sida ay u dhaceen.
Laba qarax oo ka dhacay degmada Jalaqsi, gaar ahaan xerada ciidamada Midowga Afrika, wararka soo baxaya ayaa sheegaya inuu goobtaa ku geeriyooday guddoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof dabaashe, waxaana jira dad kale oo wax ku noqday qaraxa.
Degmada Buulo Burde ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay qarax la sheegay inuu fuliyay ruux isasoo miidaamiyay xiray ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Buundada, waxaana uu geystay khasaare, hal qof ayaa ku geeriyooday halka ilaa afar ruux ayaa ku dhaawmeen.




From the comments