Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay ka soo baxeyso balanqaadkii ay u sameeysay xulka qaranka ee koobka soo hooyay.
Xamsa Cabdi Barre oo kulan casho sharaf ah xalay magaalada Adis Ababa ugu sameeyay ciyaaryahannada qaranka ee kubadda cagta da’da 17 sano jirada ah ayaa sheegay in ay abaalmarintooda la siinayo ciyaaryahannada iyo dhamaan macalimiintii ka dambeysay in ay Soomaaliya ku guulaysato koobka.
“Waxa aan u mahadcelineynaa cid weliba oo gacan ka geysatay in aan gacanta ku dhigno koobkaan, habeen dhaweed waan kulannay macalimiinta & Ciyaartoyda oo aan u sheegay in aan abaalmarin doonno, Abaalmarintu waa naga diyaar, haddii aad ku guuleysataan tartanka ka dhacaya Aljeris iyadana waxa la bixinayo magac kale u yeella, micno ka weyn in ciyaar lagu guuleystay ayay ituseysaa oo waxa aan arkayaa in aan soo noolaanay, waxaa billawday xilligii guulaha, waxaana dhammaaday waqtigii guuldarrada & Niyad-Jabka” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.









From the comments