Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbland iyo kuwa deegaanka Girileey ee gobolka Gedo ayaa deegaanka ka bilaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii xooggag ka tirsan Al-shabaab ay gubeen gadiid qodayay Ceelbiyood deegaanka laga samaynayay, iyaga oo sidoo kale dilay shaqaale ka shaqeynayay howsha qodista ceelka.
Guddoomiyaha deegaanka Maxamuud Cabdulle Warsame oo la hadlay laanta VOA-da ayaa waxaa uu ssheegay in loo soo gurmado shacabkaan degan deegaanka oo xilligaan wajahaya abaar iyagoo aan heysan biyo, maadaama ceelkii laga gubay, deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa magaalooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, ee gobolka Gedo oo ay ka jirto abaar.
“Meeshaan waxaa ku dhintay 11 ruux oo ay ku jiraan oo la ay dumar yihiin, waxaa ay u dhinteenna waa dhacdo ku saabsan sidee biyo u heli kartaan oo iska baaba’daan oo aadna biyo helin, oo shacabkaas ayna biyo helin, waxaa dhibaatada intaas la eg shacabka Giriley ku sameeyay manaxayaashii Al-shabaab, baaq waxaan u dirayaa odayaasha dhaqanka, dadka shacabka ah dhammaantood, ninba maalin bey cunayaan oo sidaan ay u cunayaan, waa inaad qaadataan qoryihiinna”ayuu yiri.




From the comments