Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay Masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada, halkaas oo Salaadda Janaasada lagula tukaday meydka talihii qeybta Booliiska Farxaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu digniin u diray dadka lagu soo eedeeyo la macaamilaan iyo la xiriirka la leh xoogagga Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiisha ciidanka ee lamid ah taliye Farxaan ay go’aansadeen in ay dalkooda ay nafta u huraan, waxaana uu Allah uga baryay in Janatul Fardowsa uu ka waraabiyo, marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Baskar, xilli uu ugu socday kormeer deegaanno ay la wareegeen ciidanka Booliiska Haramcad.
” Adduunyadaan maalin ayaad leedahay oo dhimanee sharaf iyo karaamo ku dhimo, Illaahey dambigooda ha dhaafo, Illaahey Qabrigooda ha u waasiciyo, Illaahey Janadii Fardowsa haka waraabiyo, Umaddaan in naftooda ay u bixiyaan, waa go’aan iyagu ay gaareen, lama qasbin, laguma riixin, iyagaa go’aan gaaray, in culeyska saaran iyo dhibka ay ka dul qaadaan” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay masjidka Janaasada lagula tukaday saraakiisha ku geeriyootay qaraxii Basra ka dhacay.




From the comments