Wasiirka oo hadalka sii wato ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay hadal dhowaan kasoo baxay xildhibaan Faarax Macain oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kaas oo uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeynayso qabiilo, waxaana uu sheegay wasiirka inuu diiday yahay kacdoonka dadka ay kaga soo horjeedaan Alshabaab ee ka socda gobollo badan oo dalka ah.
“Runtii waan ka xunahay marka koowaad in qof weyn oo mas’uuliyad sheeganaayo oo isku arko inuu mudda Soomaaliyeed xurmo ku dhex leeyahay inuu dhaleeceeyo oo uu isku dayo, oo ma aragtahy inuu niyad jabiyo dad abaareysan oo isaga oo noloshiisa la tacaalayo cadow Argigixiso ah inta ay kusoo duuleen ceelkii biyaha uu ka cabayay ay ka dumiyeen oo ka baabi’iyeen,ninka raba maxaa loo taageerayaa inuu su’aal geliyo darajo walba uu wato iyo magac walba uu wato inuu Khawaarij yahay ayaan u aqoonsan nahay, inuu Al-shabaab yahay ayaan u aqoonsan nahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay goorta ay kasoo labadan doonaan gobolka isaga iyo xildhibaannada kale ee ku sugan furimaha hore, waxaana uu sheegay in ay caasimadda dib ugu soo laabanayaan markii ay soo gutaan waajibaadka ay u tageen gobolka ayna joogayaan inta la xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowldda federalka Soomaaliya.
“Halkaan waa aan joogeynaa, shaqada aan u nimid waa inaan dadka halkaan ku nool aan garab istaagno, aan ku garab istaagno in cadowgaas Argigixisadaa ay iska xoreeyaan, inta ay iska xoreynayaan waa aan la joogaynaa, safka hore ayaan kula jiraynaa, waana la soconaynaa, inta ay naftu nagu jirto, inta halkaan nalkaga naahan yahay oo dadkeenna gurmad iyo garab istaag ay u baahan yihiin, waa aan garab taagnaaheynaa” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn weresigiisa waxaa uu kaga hadlay wareysigiisa waxa dowladda kaga qorsheysan dadka ka barakacay deegaannada ka ka socdaan howlgallada ee daadsan duleeyada degmooyinka Baxdo iyo Cadaado, waxaana uu sheegay in ay socdaan dadaallada ay waddo hey’adda maareynta musiibooyinka ee loogu gurmanayo dadka barakacay.
“Howsha dagaalkuna waa socdaa howsha gurmadkana waa uu socdaa, dad aad u tira badan oo barakaca oo isugu jira kuwa markii hore abaarta ku ceyrtoobay iyo kuwa nimanka Khawaarijta xoolahooda dhaceen iyo in yar oo wixii ay heysteen lasoo cararay, oo dhulkii ay ku noolaayeen ay kasoo barakiciyeen, gurmad gudaha oo dadku isku samaynayaan waa uu socdaa, kan dowladdana hey’adda maareynta musiibooyinka inkastoo uusan badneyn halkaan gargaar waa soo gaarsiisay, marka wixii la awoodo oo gargaar ah waa socdaan oo dowladdu waa wadaa” ayuu yiri gobobagabadii hadalkiisa wasiir Alcadaala.
Safarka wasiirka iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dadka deegaanka oo ka helayo taageero ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah, kuwaas oo hoostaga degmada Baxdo, howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayo saraakiil ka tirsan ciidan xoogga dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin Xasan Jaamici iyo Warsame Gaab, kuwaas oo ku sugan deegaannadaas tan iyo markii dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dagaalameen degmada Baxdo.
From the comments