Shir u dhaxeeya wasaaradaha warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa heer dowlda goboleed ayaa waxaa shir uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo socon doona muddo sedex cisho ah, waxaana lagu wadaa in looga hadlo doorka wasaaraha ee ku aadan wacyigelinta bulshada iyo ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.
Wasiirka Daa’uud Aweys oo kulanka furitaankiisa ka hadlaya ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlayo sidii mid looga noqon lahaa barnaamijyada dowladda loogana fogaan lahaa wax weliba oo abuuri kara khilaaf ka dhasha dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana uu ugu baaqay in wasaarad weliba ay qaadato doorkeeda ku aadan.
“Sababaha ugu weyn ee sidaan aan u samaynayno waxaa ay tahay, dowladdu waxaa ay leedahay ajanda, waxaa ay leedahay hadafyo, marka la rabo in hadafyadaas la gudbiyo waxaa loo baahan yahay fariimo iswaafaqsan oo aan isdiidaneyn, weliba marka lagu jiro xilliyadaan xasaasiga ah oo wadanka ay ka jiraan abaaro ay ka jiraan colaado” ayuu yiri wasiir Daa’uud.




From the comments