Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirada Warbaahinta Carabta ayaa maanta Madaxtooyada Masar kulla kulmay Madaxweynaha Masar mudane Abdel Fattah El-Sisi, xilli uu wasiirka dalkaas uu u joogo ka qeybgal shirka barri u furmaya wasiirrada warfaafinta dalalka jaamacadda carabta.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi isagoo uga warbixiyay horumaradda kalla duwan ee dowladda ku tilaabsatay ee dhinacyadda Siyaasadda, Waxbarashada, Amniga iyo Dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa qeyb ka ahaa kulan uu maanta Madaxweyne Al Sisi kula yeeshay Madaxtooyada dhammaan Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Jaamacadda Carabta, kuwaas oo maalinta barri ah magalaada Qaahira uu uga furmayo shir wasiirrada u gaar ah, oo quseeya arrimaha warfaafinta.




From the comments