Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka bilaabeen deegaanno dhaca bariga Galgaduud, kuwaas oo hoos yimaada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Curiceel, iyagoo inta ay howlgallada ay ku jireen waxaa ay qarxiyeen miinooyin, kuwaas oo ay Al-shabaab ay ku aaseen wadada.
Ciidanka ayaa waxaa ay howlgal kula wareegeen deegaanka Jaaw oo 55km u jira degmada Gureel ee gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen bariga gobolka, howlgalkaan ayaa kusoo aadayaa iyadoo ciidan ka tirsan dowladda la geeyay magaalada Dhuusamareeb oo qeyb ka qaadanaya howlgallada.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka bilowday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya dadka deegaanka, waxaana deegaanno dhowr ah ka jira abaabulka ay wadaan dadka shacabka ee ku nool Galgaduud, Al-shabaab ayaa kaga sugan Mudug Galmudug deegaanno ay kamid tahay Xaradheere, Ceelbuur iyo kuwa kale.














From the comments