Ergayda gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dawladda ugu baaqay inay la timaado abaabul heer qaran, kaas oo Alshabaab la iskaga celiyo, sida uu hadalka u dhigay, kadib dhacdadii ka dhacday gobolka Hiiraan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in xaq loogu leeyahay in aan shacabkeeda horteeda lagu gumaadin, laguna gumaysan, waxaana uu xusay in dowladda looga baahan yahay in ay la timaado abaabul ku aadan la dagaalanka Al-shabaab sida hadalka u dhigay.
“Argagexisada Shabaab, caruur dugsi Quraan dhiganaysa cafin mayaan. Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado abaabul heer qaran oo argagexisada la iskaga celiyo. Shacabka abaar ba’an ayuu la tacaalayaan, colaad iyo gumaad Al- Shabaab ma xamili karo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur.




From the comments