Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macali Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin dagaal ka dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu sheegay in madaxweynaha uu safar ku kala bixiyay maamullada qaar, kuwa kale la filayo inuu dhowaan gaaro.
“Dowlad goboleedyada heshiisbaan la nahay, wax dagaal ah oo lagu qaadayo ama la iclaamiyay, oo dowladda Soomaaliya ay iclaamisay majiro. Personal ama qof fikirkiis ama aragtidiisa uu dhiibto isaga ayey u gaar tahay. Madaxweynuhu Koonfur Galbeed waa uu tagay, waa la ogaa sida loogu soo dhoweeyay, Madaxweynuhu Galmudug waa tagay, Puntland ayuu hadda ka yimid, dowlad goboleedyada kalena waa uu u socdaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macali Fiqi.
Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu ay bilaabayso gurmadka abaaraha, waxaana uu carabka ku dhuftay in deegaannada Koonfur Galbeed ay yihiin kuwa ugu daran ee xilligaan wajahaya abaarta, isaga oo hadalkiisa raaciyay in laga bilaabi doono maalmaha soo aadan sida uu hadalka u dhigay.




From the comments