Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta Maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana wasiirku sheegtay in dowladda ingiriiska ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad wanaaga iyo mashaariicda hormarineed.
“Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda federalka.




From the comments