Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi, ayaa Maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, waxaana kulankooda ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma federalka iyo dib u-heshiisiinta.
Wasiir Ahmed Moallim Fiqi iyo Anita Kiki Gbeho, ayaa kulankooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo sidii Qaramada Midoobay u kordhin laheyd taageerada Barnaamijyada Federaalka,Dib-u-heshisiinta , Dhismaha Golayaasha Degaanka , Madasha wadatashiga Qara
Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay Abaaraha kajira dalka iyo sidii Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan laheyd gurmadka loo sameeynayo Shacabka Soomaaliyeed, taas oo Xukumadda Dan-Qaran u ah ahmiyadeeda ugu weyn,wasiir Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.




From the comments