Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa kulamo albabada ay u xiran yihiin oo cidna aan loo ogoleyn la leeyahay Siciid Deni madaxweynaha maamulkaas, iyaga oo kawada hadlaya arrimo dhowr ah.
Warar hoose oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweyne Xasan iyo Deni laba kulan ay wada qaateen,, kuwaas oo albaabada ay u xirnaayeen, labada mas’uul ayaa kawada hadlaya xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Puntland, walina majiro shir furan oo u dhaxeeya madaxweynahu la qaatay bulshada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay in madaxweyne Xasan booqashadiisa Garoowe uu ku qotomo u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada.




From the comments